Dhageyso: Qarax Caruur Ku Dhinteen oo Ka Dhacay Bay

by Farah C/laahi | Monday, Jan 23, 2017 | 28 views

BUURHAKABO (Garsoor Online) —  Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Xoogan oo ka dhacay Magaalada Buurhakabo ee gobolka Bay.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay Garsoor Online in qaraxa uu ahaa mid xoogan, isla markaana loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso.

Dhame Maxamed Ibraahim Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Buurhakabo ayaa sheegay in Qaraxaasi miino uusan wax qasaaro ah ka soo gaarin Ciidamada Dowladda.

Taliyaha ayaa sheegay in Qaraxa ay ku dhinteen 2 caruur ah oo ahaa kuwa ka shaqeynayay suuqa xoolaha degmada oo ah halka uu ka dhacay qaraxaasi miino.

Maxamed Ibraahim ayaa xusay in ay hada wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo Amaanka, isla markaana ay baadi goobayaan kuwii ka danbeeyay qaraxaasi.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxaasi miino ee ka dhacay degmada Buurhakabo ee gobolka Bay, waxana ay tilmaameen in ay dileen askar badan oo ka tirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya.

Garsoor Online — BUURHAKABO

Like it? Share it!

Leave A Response