DHAGEYSO: Nin Isku Dilay Abaarta Ka Jirta Gobolka Mudug, Puntland

by Farah C/laahi | Friday, Jan 20, 2017 | 102 views

BACAADWEYN (Garsoor Online) — Wararka laga helayo gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in deegaanka Bacad-weyn ee gobolkaasi uu isku dilay qof xoolo dhaqato ahaa oo Abaartu saameysay.

Duqa deegaanka Bacad-weyn ee gobolka Mudug Fu’aad Yaasiin ayaa warbaahinta u sheegay in nink isdilay lagu magacaabi jiray Faarax Dheere, waxana uu tilmaamay in uu ahaa nin xoolo dhaqato ahaa.

Sababta uu ninkani isku dilay ayaa lagu sheegay in ay aheyd, abaarta oo ka dhameysay geel fara badan oo uu lahaa.

Ma ahan qofkii ugu horeeyay ee abaaraha dartood isku dila, hase ahaatee dhacdooyin nuucani oo kale ah ayaa laga soo wariyay gobolada ay abaaruhu ku dhunteen ee Soomaaliya.

Abaarta Soomaaliy ayaa meel qatar ah sii galeysa, waxana laga cabsi qabaa in xaaladu ay isku badasho sidii 2011kii, markaasi oo gaajo daran iyo macluul ay ka dilaacday Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Garsoor Online — BACAADWEYN

Like it? Share it!

Leave A Response