Dhageyso: Musuq Waa Laga Ilaalinaa Lacagta Abaarta

Dhageyso: Musuq Waa Laga Ilaalinaa Lacagta Abaarta

0
SHARE

MUQDISHO (Garsoor Online) —  Ra’iisul wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte, ahna Gudoomiyaha Gudigga Abaaraha Qaran ee Soomaaliya ayaa sheegeey in lacag gaareysa $290,000 (labo boqol iyo sagaashan kun oo doolar) ay abaarah Soomaaliya ugu deeqeen Ururka Jaamacadda Carabta.

Maxamed Cumar Carte ayaa tilmaamay in Safiirka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya uu la cagtaasi ku wareejiyay Gudigga isla markaana uu maanta ka gudoomay.

Ra’iisul wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in 290kun oo kale laga soo aruuriyay dadka wax sadaqeysanaya, isla markaan gudigga doorshada ay ka sugayaan lacag ka badan 300kun in ay ku soo wareejiyaan.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in ay ku dadaali doonaan in musuq-maasuq uusan dhicin, sidii 2011kii oo kale.

Mr. Carte ayaa ka dalbaday bulshada in ay kalsooni u muujiyaan gudiga, isla markaana ay dhaqaalaha ay hayaan ay u maamul doonaan si waa dix ah oo aan mugdi ku jirin.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY