(Dhageyso) Maxay Beesha Caalamka Ka Yiraahdeen Xiisada Siyaaseed ee Galmudug?

by Farah C/laahi | Friday, Jan 13, 2017 | 157 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Beesha Caalamka ayaa walaac xoogan ka muujisay murun siyaasadeedka u dhaxeeya Gudoomiyaha Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo xubnaha golaha deegaanka Galmudug.

Saaxiibada Soomaaliya ayaa sheegay in murunkan Siyaasadeed uu sababay in xubnaha Golaha Deegaanka Galmudug ay u codeeyaan in xil ka qaadis lagu sameeyo Gudoomiye Cabdikariin Xuseen Guuleed, balse waxaa arintaasi si cad uga soo horjeestay Guddoonka Golaha Deegaanka Gobolada Galmudug, sida lagu xusay bayaankan Beesha Caalamka.

Garsoor Online — MUQDISHO

Like it? Share it!

Leave A Response