DHAGEYSO: Madaxweynaha Puntland oo Ka Hadlay Heshiiska ay La Galeen DP World

by Farah C/laahi | Friday, Apr 7, 2017 | 26 views

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa ka hadlay heshiiska Maamulka puntland uu la galay shirkadda DP-world, kaasi oo ah in Dekadda Boosaaso lagu wareejiyo shirkadda DP-world.

Waxa uu sheegay in uu rajeynayo Mashruucan in uu noqdo mid dhab ah oo si deg deg ah loo bilaabo, isaga oo sidoo kale sheegay Mashruucan in uu kaalin weyn ka qaadan doono hormarinta kaabayaasha Dhaqaalaha Puntland.

Sidoo kale waxa uu sheegay Mashruucaan in uu wax ka bedelayo horamada ka socda Degaanada Puntland, shacabkana looga baahan yahay in ay ku fakaraan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen hormarada Puntland.

C/wali Maxamed Cali (Gaas) Madaxweynaha mamulka Puntland ayaa sheegay in ay rajeynayaan in wax badan uu ka bedeli doono Puntland, isaga oo sidoo kale u mahadceliyay Mas’uuliyiinta shirkadda DP-world.

Qodobada gundhiga u ah heshiiska ayaa ah in Dekeda balaceedu yahay 450 Mitir joogeeda hoosena yahay 12 Mitir oo cusub la dhiso, isla marhaantaana la dayactiri doono Dekeda hada jirta ee Magaalada Boosaaso, lacagta lagu maalgelinayo mashruuca ayaa dhan 336 Million oo Dollar.

Like it? Share it!

Leave A Response