DHAGEYSO: Maamul Goboleed magacaabanaya R/wasaare

by Farah C/laahi | Sunday, Mar 26, 2017 | 13 views

BAYDHABO (Garsoor Online)— Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka hadlay arrimo badan oo la xiriira maamulkiisa, kadib kulan uu maanta Magaalada Baydhabo kaga qeyb galay.

Shariif Xasan ayaa su’aalo laga weydiiyay arrimo la xiriira Maamulkiisa iyo sidoo kale waxa ka jira in uu isku shaandheyn ku sameyn doono Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed.

Waxa uu sheegay Shariifka in qorshahaas la doonayo in lagu dhiso Gole Wasiiro oo tayo leh, wuxuuna xusay in Koonfur Galbeed uu u soo magacabayo Ra’iisul Wasaare, si Wasiirada uu ugu fududeeyo Holohoodo gaarka ee ay u baahan yihiin.

Sidoo kale waxa uu sheegay Talaabada uu ku magacaabayo Ra’iisul Wasaaraha in uu ku dhaqaaqi doono marka la ansaxiyo Golaha Wasiirada cusub.

Dhanka kale Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Baarlamaanka Federaalka waxa uu ugu baaqay in ay ansixiyaan Golaha Wasiirada cusub, si dalka uu horey ugu socdo.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Talaadadii ina dhaaftay waxa uu magacaabay Golihisa Wasiirada cusub oo ka kooban 68 xubnood, kuwaasi oo weli aan la horgeyn xubnaha Baarlamaanka Federaalka.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response