100 Xildhibaan oo Saxiixday Mooshin Xil ka Qaadis ah

by Farah C/laahi | Tuesday, Jan 24, 2017 | 107 views

BAYDHABO (Garsoor Online) — Ku dhawaad 100 Xildhibaan oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa saxiixday Mooshin Xilka looga qaadayo Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaan Macaln Bare oo ka Mida ah Xildhibaanada Maamulkaasi, islamarkaana ah Wasiirka Diinta Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Xildhibanada Koonfur Galbeed loo diiday in kulan ku yeeshaan Magaalada Baydhabo.

Macalin Bare ayaa tilmaamay in hada ay saxiixeen ku dhawaad 100 xildhibaan Mowshinka ka dhanka ah Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Waxaa lagu eedeeynayaa Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan in uu ku fashilmay shaqadii mamulkaasi ay uga baahnaayeen.

Halkaan Ka DHageyso Wareysiga Macalin Barre 

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response