Dhageyso Jawaari oo Hadal Qiiro Leh Maanta Jeediyay

by Farah C/laahi | Sunday, Feb 5, 2017 | 11 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si rasmi ah u soo xiray dhageysiga Khudbadaha Musharaxiinta.

Jawaari ayaa sheegay in ay guteen waajib dastuuri ah, isla markaana ay dhageysteen khudbadaha 23 musharax oo xilka Madaxweynaha Doodanaya.

Waxa uu sheegay in uu u mahad celinayo Musharaxiintii ka hor hadlay Barlamaanka oo uu tilmaamay in ay sheegeen qodobo uu barlamaanku meel ku qoran doono.

Maxamed Sheekh Cusman Jawaari ayaa ka dalbaday Gudiga Qaban Qaabada Doorashada in ay qabtaan doodii musharaxiinta ee horay u baaqatay.

Jawaari ayaa tilmaamay in doodaasi la qabto labada maalin ee ka dhiman Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

DHAGEYSO Jawaari oo ka hadlaya:

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response