Gudiga Doorashada waa Cadaalad Daro (Dhageyso)

by Farah C/laahi | Tuesday, Jan 31, 2017 | 46 views

MUQDISHO (Garsoor Online) —  Musharaxiinta mucaaradka ah ee u taagan tartanka Madaxweynanimada Soomaaiya ayaa ka soo hor jeestay go’aan ka soo baxay Gudigga Doorashada.

Hadal ay si wada jir ah u soo saareen musharaxiinta ayaa waxa ay sheegeen in Gudigga Doorashada uusan awood u la heyn joojinta dodaha loo qabanayo Musharaxiinta.

Waxa ay tilmaameen in go’aankaas uu soo saaray Barlamaanka Soomaaliya isla markaana dad tiro yar aysan waxba ka badali karin.

Sidoo kale waxa ay ku eedeeyeen Gudigga Doorashada Soomaaliya in ay la safteen musharax gaar ah.

Waxa ay ku baaqeen in la sii wado dooda loo qabanayo musharaxiinta isla markaana ay goobjoog ka noqdaan saxaafadda Madaxa banaan.

Maanta ayay aheyd markii 12 musharax oo loo qorsheeyay in ay wajiga koowaad ee dooda yeeshaan ay baaqatay kadib markii ay musharaxiintu dalbadeen in saxaafada madaxa banaan ay goobjoog noqoto, halka gudigu diiday.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response