DHAGEYSO: Galmudug oo Maxkamad soo Taageysa Burcad Badeed

by Farah C/laahi | Thursday, Apr 13, 2017 | 11 views

Taliyaha Ciidamada Ilaalada xeebaha Maamulka Galmudug Maxamed Yuusuf Xaashi oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay Dagaal ka dhacay Gobolka Mudug oo lagu soo qabtay Koox Burcad Badeed ah.

Waxa uu sheegay Dagaalkaasi in ay ku soo qabteen 4 ka tirsan koox Burcad Badeed ah oo horey u Afduubtay Doon u rarneyd Ganacsato joogta Magaalada Kismaayo, hadana ay ku jiraan xabsi ku yaalla Degmada Hibyo.

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Ilaalada xeebaha Maamulka Galmudug ayaa waxa uu sheegay raggan in loo sii gudbin doono Maxkamadda Gobolka, dhowaana la soo taagi doono Maxkamad, si cadaalada loo horgeeyo.

Shalay ayay aheyd markii Ciidamada Nabad Suggida qaybta Galmudug ka hawlgasha ay ku guulaysteen inay soo furtaan Sideed badmaaxiin ah oo u dhalatay dalka India, kuwaasi oo maalmihii dambe gacanta ugu jiray Burcad Badeeda Soomaalida ah.

Like it? Share it!

Leave A Response