DHAGEYSO: Cabdiweli Gaas oo Weerar Kulul Ku Qaaday Dowaladda Turkiga

by Farah C/laahi | Monday, Apr 17, 2017 | 8 views

Madaxweynaha Puntland Cabdi wali Maxamed Cali Gaas oo la hadlay Warbaahinta ayaa dowladda Turkiga ku dhaliilay in Mashaariicda ay ugu tala gashay Soomaaliya ay ku bixiso Magaalada Muqdisho oo keliya.

Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Gaas intaasi ay tahay qalad ,islamarkaana Mashaariicda ay haboon tahay in la gaarsiiyo Soomaaliya oo dhan.

Waxaa uu xusay in ay taageersan yihiin Shaqadda dowladda Turkiga ay ka heyso Soomaaliya.

Mudane Gaas ayaa sidoo kale tilmaamay in aysan jirin Mashaariic dowladda Turkiga ay ka fulisay Puntland.

Like it? Share it!

Leave A Response