DHAGEYSO: Abaartii ugu darneyd oo ka jirta deegano ka tirsan Galmudug

DHAGEYSO: Abaartii ugu darneyd oo ka jirta deegano ka tirsan Galmudug

0
SHARE

XARARDHEERE (Garsoor Online) — Abaartan oo ku dhufatay Degaanada Muduug iyo Galgaduud ayaa lagu soo waramayaa in si ba’an ay u saameysay Dadka iyo Duunyada halkaasi ku dhaqan.

Meelaha abaartan ay halakeysay ayaa ka mid ah Degaano dhaca Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, waxaana la sheegayaa in Dadka halkaasi ku nool ay qarka u saaran yihiin geeri, kadib markii ay ka go’een Biyihii iyo Baadkii heli jireen.

Macalin Xasan Sheekh C/samad oo ku sugan Degaanada ay saameyeen abaaraha oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxuu sheegay in dhibaato xoogan ay ka jirto Degaanadaasi.

Macalinkan ayaa sidoo kale waxuu cod dheer ku sheegay in aysan jirin wax gargaar ah oo la gaarsiiyay Degaanadan dhaca Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Muddooyinkan dambe waxaa qeylo dhaan xoogan ay ka soo yeereysay Degaano iyo Degmooyin dhaca Koonfurta iyo Bartamaha Dalka Soomaaliya oo ku aadan abaarahaasi.

Garsoor Online — XARARDHEERE

LEAVE A REPLY