DEG DEG: Weerar xoogan oo lagu qaaday Xerada AMISOM

by Farah C/laahi | Sunday, Apr 2, 2017 | 21 views

Leego (Garsoor Online)– Waxaa Caawa Weerar Xoogan lagu qaaday Xerada Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Degaanka Leego ee Gobolka Sh.Hoose.

Weerarkan oo ku bilaawday madaafiic lagu garaacay Xerada AMISOM ayaa xigay Dagaal toos ah oo u dhaxeeyay Xoogaga Al Shabaab iyo Ciidamada AMISOM.

Wararka ayaa sheegaya in uu jiro khasaaro kala duwan oo weerarka ka dhashay.

Weli rasaas ayaa laga maqlayaa qeybo ka mid ah Degaanka Leego ee Gobolka Sh.Hoose.

 

Like it? Share it!

Leave A Response