DEG DEG: Rasaas Ka Socota Gudaha Hoteel Dayax

DEG DEG: Rasaas Ka Socota Gudaha Hoteel Dayax

0
SHARE

MUQDISHO (Garsoor Online) — Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la soo sheegayaa in loo adeegsaday gaari waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyay, waxana lagu weeraray Hoteelka Dayax.

Hoteelka Dayax ayaa kamid ah hoteelada ugu dad badan Magaalda Muqdisho, waxana dagan xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya.

Rasaas ayaa hada laga maqlayaa gudaha Hoteelka, waxana ku jira rag hubeysan oo weerar ku qaaday hoteelka.

Qaraxa ayaa ahaa mid aad u xoogan, waxana laga maqlay xaafada Magaalda Muqdisho intooda badan.

Wixii ku soo kordha halkan kala soco:

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY