DHAGEYSO: Faah Faahinta Qaraxii ka dhacay Jowhar

by Farah C/laahi | Saturday, Jan 21, 2017 | 105 views

JOWHAR (Garsoor Online) — Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya in qarax goor dhaw ka dhacay Magaaladaasi.

Dad goobjoogayaal ah ayaa u xaqiijiyay Garsoor Online in qarax loo adeegsaday Bom gacameen uu ka dhacay Magaalada Jowhar, waxana la sheegay in uu ku geeriyooday qaraxaasi Taliyihii booliska gobolka Sh/dhexe.

Taliyaha Geeriyooday ayaa lagu magacaabi jiray Col: Khaliif Cabdulle Carfaaye waxana la sheegayaa in askar ilaalo u aheyd uu sidoo kale qasaaro soo gaaray.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa lagu weeraray Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Magaalada Jowhar, halkaasi oo Bom gacmeed lagu tuuray.

Ilo la isku haleyn karo ayaa u sheegay Garsoor Online in Qaraxa sidoo kale ay ku dhaawacmeen saraakiil sare oo aan magacyadooda la sheegin.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada Qaraxa lagu dilay Taliyihii booliska gobolka Sh/dhexe.

Al Shabaab ayaa tilmaamay in ay mudo dheer ayaa baadi goob ugu jireen Taliyaha ay dileen.

Goobta uu qarax ka dhacay ayaa waxaa hada ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa Amaanka oo wada howlgallo.

Garsoor Online — JOWHAR

Like it? Share it!

Leave A Response