DEG DEG: Nabadoon caan ahaa oo lagu Dilay Duleedka Magaalada Muqdisho

DEG DEG: Nabadoon caan ahaa oo lagu Dilay Duleedka Magaalada Muqdisho

0
SHARE

Muqdisho (Garsoor Online) – Nabadoonka oo magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Kabo-weyne ayaa lagu Dilay Degaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Caasimada Soomaaliya.

Marxuumka ayaa sida la sheegay ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ku soo doortay Magaalada Cadaado.

Goobjooge ayaa waxuu sheegay in marxuumka la dilay kadib markii uu ka soo baxay Salaada Cishaha.

Kooxihii ka dambeeyay Dilkaasi ayaa lagu soo waramayaa in ay isaga baxsadeen halka uu ka dhacay falkaasi.

Ilaa iyo hada majiraan wax hadal ah oo ka soo baxay Maamulka Degaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY