Deg Deg: Nabadoon Caan ah oo Goor Dhaw Lagu Dilay Muqdisho

by Farah C/laahi | Wednesday, May 10, 2017 | 18 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Wararka laga helaayo Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya dabley hubaysan inay goor dhaw halkaasi ku toogteen Nabadoon C/qaadir Fareey oo ka mid ah Odayaasha Somaliyed.

Dilka ayaa ka dhacay Buundada Labaa ee qeybta degmada Waabari.

Goobjooge ayaa u sheegay Garsoor Online in Nabadoonka goobta looga qaaday dhaawac ahaan, balse uu ku geeriyooday goor dhaw Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Raggii ka dambeeyay dilka Nabadoonka ayaa meesha ka baxsaday, waxaana meesha soo gaaray ciidamada Booliska oo hawlgalo halkaasi ka wada.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya Nabadoonka la dilay inuu ka mid ahaa Ergada Xildhibaanada ku soo dooratay Gobolada dalka Somaliya.

Al Shabaab ayaa maalmahan dambe laba jibaaray beegsiga ay ku hayaan Nabadoonada Somaliyed iyo kuwii ka qayb galay doorashadii ka dhacday Gobolada dalka ee Xildhibaanada lagu soo doortay.
Like it? Share it!

Leave A Response