Militariga Somalia oo la wareegay qeybo ka mid ah Muqdisho

Militariga Somalia oo la wareegay qeybo ka mid ah Muqdisho

0
SHARE

Muqdisho (Garsoor Online) – Boqolaal Askari oo ka tirsan Ciidamada Militariga Soomaaliya ayaa la wareegay qeybo ka mid ah Waddooyinka waa weyn ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamadan oo wata Hub iyo Gaadiid ayaa sida la sheegayo ka gadoodsan mushaar la’aan, waxaana ay xireen Waddooyinka iyo Isgooysyada Zoobe, KM4 iyo Banaadir.

Waxaa Ciidamada ay is-hortaag ku sameeyeen tobanaan Gaadiid oo ay la socdeen Shacab kuwaasi oo isaga kala guusha Degmooyinka Magaalada Muqdisho.

Boqolaalkan Askari ayaa hakad geliyay isku socodka Gaadiidka ee Caasimada Soomaaliya.

Sikastaba, Weli majiraan wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Militariga Soomaaliya oo ku aadan gadoodkan ay sameeyeen militariga.

LEAVE A REPLY