DEG DEG: Kooxo hubeysan oo Askar ku Dilay Muqdisho

by Farah C/laahi | Monday, Mar 27, 2017 | 53 views

Muqdisho (Garsoor Online)—Dabley hubeysan ayaa goordhow labo Askari waxey ku Dileen Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Goobjooge ayaa waxuu sheegay in labadan Askari ay ku sugnaayeen nawaaxiga Suuqa Daawada oo Saldhig ay ku leeyihiin Ciidamada Dowladda.

Dableydii ka dambeysay falkaasi ayaa lagu soo waramayaa in ay isaga baxsadeen goobta.

Waxaa hadda halkaasi ka socdo howlgallo baaritaano ah oo ay wadaan Ciidamada amaanka.

Weli lama hadii Dad lagu soo qab qabtay Dilkaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response