DEG DEG: In Kabadan 30 Ruux oo Ku Dhintay Dagaal u dhexeeya Itoobiyan iyo Somali

by Farah C/laahi | Monday, Jan 16, 2017 | 140 views

JIGJIGA (Garsoor Online) — Dagaal muddo sadax maalin socday oo u dhexeeyay maleeshiyaad ka soo kala jeeda Beel Soomaaliyeed iyo Beel Itoobiyaan ah ayaa ka dhacay deegaanka Dowlad Deegaanka Ethiopia.

Inta la xaqiijiyay 30 ruux ayaa ku dhintay dagaalkaasi waxana la sheegay in dagaalku uu salka ku hayo xoolo lakala dhacay iyo dhul muhiim ah oo labada beelood ay dagaan.

Meesha dagaalku ka dhacay ayaa la sheegay in lagu Magacaabo Deka iyo sidoo kale buundo qaran oo ka tirsan dowlad deegaanka Ethiopia.

Dadka ku dhaawacmay dagaalka sadaxda maalin soconayay ayaa la sheegay in loo qaday deegaanada kale ee dowlad deegaanka Ethiopia.

Wararka Garsoor Online ay heleyso ayaa sheegaya in dagaalka lagu jabiyay Qabiil Itoobiyaanka ah ee Booranka loo yaqaan.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan ONLF lagu qabtay dagaalkii ka dhacay deegaanada Soomaali Galbeed.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowlad deegaanka Itoobiya ee Maamusha dhulka lagu dagaalmayo.

DHAGEYSO Mid kamid ah dadka Deegaanka oo Ka Hadlay Sida ay wax u dhaceen:

Garsoor Online — JIGJIGA

Like it? Share it!

Leave A Response