DEG DEG: In Kabadan 10 Ruux oo Galabta AMISOM ay Ku Xasuuqday Duleedka Muqdisho

by Farah C/laahi | Sunday, Jan 15, 2017 | 262 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidanka AMISOM oo ka baxay Magaalada Muqdisho, kuna sii jeeday degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa dad rayid ah ku dilay deegaanka Calamada ee duleedka Muqdisho.

Sida dad goobta tagay ay u xaqiijiyeen Garsoor Online, 4 gaari oo ay wateen Ciidanka AMISOM ayaa jiiray gaari caasi ah oo ay la socdeen dad rayid ah oo safray Magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay 11 qof oo ay ku jiraan dumar ayaa dhintay, halka in kabadan 7ruux oo qaar kood dhaawacoodu daran yahay la geeyay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Saalax Cali Xuseen oo ah milkiilaha gaariga ay jiireen Gaadiidka Ciidanka AMISOM ayaa sheegay in mid kamid ah gawaarida afarta ah uu jiiray caasiga ay dadka rayidka ah la socdeen, isla markaana sadaxdii kale ay sii dar daren gaarigii ay dadka la socdeen.

“Afar gaari ayay ahaayeen oo AMISOM ah, waxay isaga horyimaadeen gaariga caasiga ah deegaanka Calamada, midkii koowaad ayaa gaariga dadku la socdeen jiiray, qaar dadka kamid ah way fiicnaayeen, laakiin sadaxdii gaari ee kale ayaa sii dhameystiray oo dadkii intii fiicnaa dhameeyay”. Sidaasi waxaa yiri Saalax Cali Xuseen.

Dadka degan deegaanka Calamada oo u gurmaday dhibanayaasha ayaa sheegay in falkaasi uu ahaa mid argagax leh oo wal-wal badan dadka ku abuuray.

Dhawrkii bilood ee la soo dhaafay ayaa ciidanka AMISOM ee howlgalka Nabad Ilaalinta u jooga Soomaaliya waxa ay gobolka Sh/hoose ee koofurta Soomaaliya ka geysteen tacdiyo ay ku laayeen dad badan oo rayid ahaa.

Garsoor Online — MUQDISHO

Like it? Share it!

Leave A Response