DEG DEG: Duqeyn xoogan oo ku socota Xarada Ciidamada AMISOM

by Farah C/laahi | Saturday, Mar 11, 2017 | 56 views

Leego (Garsoor Online)—Xoogaga Xarakada Al Shabaab ayaa madaafiic xoogan ku garaacaya Saldhig Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay ku leeyihiin Degaanka Leego ee Gobolka Sh.Hoose.

Hoobiyeyaal dhowr ah ayaa ku dhacay Xarunta Ciidamada Nabad Ilaalada AMISOM, waxaana sidoo kale weli halkaasi ku socota duqeyn ay fulinayaan Al Shabaab.

Sidoo kale, Ciidamada AMISOM ayaa madaafiic kale uga jawaabaya Weerarkan ay soo qaadeen Xoogaga Al Shabaab.

Weli lama oga khasaaraha guud ee ka dhashay duqeyntan u dhaxeysa labada dhinac.

Kala soco www.garsoornews.com waxii warkan ku soo kordha Hadii Alla Idmo

Like it? Share it!

Leave A Response