DEG DEG: Dil Galabta Ka Dhacay Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari

by Farah C/laahi | Monday, Jan 16, 2017 | 94 views

BOOSAASO (Garsoor Online) — Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay bartamaha Mgaaladaasi ku dileen askar ka tirsanaa ciidanka Puntland.

Dad goobjoogayaal ah ayaa u sheegay Garsoor Online in labo askari oo ku jiray howlgal roondo ah lagu dilay Barlamaha Magaalada Boosaaso.

Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegay in ay ka baxsadeen goobta, waxana halka waxa ka dhaceen soo gaaray Ciidamada Amaanka gobolada Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada ay sameeyeen howlgallo ay ku soo qab-qabteen dad lala xiriirinayo in ay ku lug lahaayeen dilka askartaasi.

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ku sugan Gudoomiyaha gobolada Puntland, waxana falkan uu dhacayaa xilli aad loo adkeeyay Amaanka Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari.

Boosaaso ayaa lagu dilay in ka badan 5 mas’uul oo ka tirsanaa maamulka gobolada Puntland, waxaana ku jiry Xeer Ilaaliyihii Maxkamada Ciidanka iyo taliye ka tirsan ciidanka booliska.

Garsoor Online — BOOSAASO

Like it? Share it!

Leave A Response