DEG DEG: Dagaal Xoogan oo Ka Socda Duleedka Muqdisho

by Farah C/laahi | Tuesday, Feb 7, 2017 | 29 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Dagaal xoogan ayaa caawa ka soconaya duleedka Koofureed ee Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Garsoor Online in dagaalka uu ku bilawday Madaafiic, kaddibna ay xigtay rasaas la isweydaarsaday.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka socdo deegaanka Arbacoow oo ay fariisin ku lee yiihiin Ciidanka AMISOM.

Dhawaqa Rasaasta ayaa laga maqlaya xaafado ka tirsan Muqdisho, waxana la sheegayaa in dagaalku uu aad u xoogan yahay.

Wali war rasmi ah lagama hayo inta uu la eg yahay qasaaraha dagaalka, maadaama uu wali socdo.

Wixii ku soo Kordha Halkan Kala Soco:

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response