Warar Dheeraad ah oo Laga Helayo Dagaalka Magaalada Cadaado

Warar Dheeraad ah oo Laga Helayo Dagaalka Magaalada Cadaado

0
SHARE

CADAADO (Garsoor Online) —  Inta la xaqiijiyay 7 askari oo ka tirsan labadii dhinac ee dagaalamay ayaa ku dhaawacmay dagaal goordhaw ka dhacay Magaalada Cadaado.

4 kamid ah askarta dhaawacantay ayaa ahaa Ciidamada Nabad Sugida ee weerarka soo qaaday halka 3 kale ay ahaayeen Boolis.

Ciidamada Nabad Sugiggada Galmudug ayaa weerar ku qaaday Xarun ay ku shirsanaayeen Xubnaha Golaha Deegaanka Galmudug, waxana la sheegay in halkaasi uu dagaal ku dhexmaray Ciidamadii weerarka soo qaaday kuwa Boolis ah oo ilaalinayay Xarunta.

Ciidamada Booliska ayaa sheeganaya in ay hada gacanta ku hayaan Xarunta weerarka lagu soo qaadeen ee ay ku sugnaayeen Xubnaha Mucaaradka ku ah Gudoomiye Guuleed.

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal kale uu ka dhaco magaalada, madaama xaalada magaalada ay tahay mid kacsan.

Xubnaha Golaha Deegaanka Galmudug ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Gudoomiye Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ay ku eedeeyee in uu ku fashilmay hogaaminta gobolada Galmudug.

Garsoor Online — CADAADO

LEAVE A REPLY