DEG DEG: Dagaal Hada Ka Soconaya Gudaha Afgooye

by Farah C/laahi | Monday, Jan 23, 2017 | 35 views

AFGOOYE (Garsoor Online) — Dagaal xooga ayaa lagu soo waramayaa in uu hada ka soconayo degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, sida dad goobjoogayaal ah ay sheegeen.

Dagaalka ayaa la soo sheegayaa in uu ka soconayo bartamaha Magaalada, waxana la maqlayaa rasaas aad u xoogan.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalku uu aad u xoogan yahay isla markaana ay xabadu ay ka dhex dhaceyso gudaha Magaalada.

Al Shabaab ayaa loo maleynayaa in kadanbeeyaan weerarkaasi lagu qaaday Magaalada Afgooye laakiin wali war rasmi ah lagama hayo.

Garsoor Online — AFGOOYE

Like it? Share it!

Leave A Response