DEG DEG: Askari ka tirsan Ciidamada DFS oo Dil ka geystay Magaalada Muqdisho

by Farah C/laahi | Saturday, Apr 8, 2017 | 27 views

Muqdisho – Waxaa gelinkii dambe ee maanta uu Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ku Dilay qof shacab ahaa Isgooyska KPP ee Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Marxuumka oo weli magaciisa aan la shaacin ayaa ahaa sida la tilmaamay darawel ka xeeya Gaari nuuca Soomaalida u taqaan Caasi ama Hoomeey, waxaana dilkiisa uu yimid kadib markii uu murun soo kala dhexgalay isaga iyo Askariga.

Goobjooge ayaa waxuu sheegay in Darawalka iyo Askariga ay isku qabsadeen lacag, markii bixinteeda uu diidayna uu Askariga rasaas ku huwiyay.

Wararka ayaa sheegaya in Askarigii ka dambeeyay falkaasi uu isaga baxsaday goobta.

Dilkan ayaa waxuu qeyb ka yahay Dilal siyaabo kala duwan muddooyinkii dambe uga dhacayay Magaalada Muqdisho.

 

Like it? Share it!

Leave A Response