Danjire Keating oo kulan la qaatay Madaxweyne Siilaanyo +SAWIRO

by Farah C/laahi | Monday, Apr 3, 2017 | 20 views

Hargeysa (Garsoor Online)—Wakiilka Gaarka ee Qaramada Midoobay u fadhiya Magaaada Muqdisho, Danjire Michael Keating ayaa waxuu sheegay kulamo kala duwan uu la qaatay Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland, Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo).

Danjire Michael Keating ayaa waxuu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu kala hadlay doorashada Madaxtinimo ee Maamulkaasi oo la filayo in dhawaan lagu qabto Degaanada Maamulka Soomaaliland.

Waxaa sidoo kale uu Keating intaasi ku daray in kulanka uu a yeeshay Madaxweyne Siilaanyo lagu soo hadal qaaday abaaraha xoogan ee ku dhuftay Degaanada hoostaga Maamulka Soomaaliland.

Danjiraha ayaa xusay in arimaha laga hadlay ay qeyb ka ahaayeen in shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Danjire Keating waxuu qeexay in Qaramada Midoobay kaalin muuqata ay ka qaadan doonto horumarka Degaanada Maamulka Soomaaliland.

Sikastaba, kulanka Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa imaanayaa xili dhawaan la qorsheenayo in doorashada madaxtinimo ee Maamulkaasi lagu qabto Degaanada hoostaga Maamulkaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response