Kooxda Damu Jadiid oo Baadi Goobaya Xilka RW Somalia

Kooxda Damu Jadiid oo Baadi Goobaya Xilka RW Somalia

0
SHARE

MUQDISHO (Garsoor Online) — Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa u sheegay Garsoor Online in Koox Diimeedka Damul Jadiid ay doonayaan in xilka Ra’iisul wasaaraha ay ka helaan Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa Muqdisho kawada Olole ay ku doonayaan in xilkaasi loo magacaabo Damul Jadiid.

Marka la tixraaco awood qeybsiga Beelaha ku saleysan ee siyaasada Soomaaliya, waxaa kursigan leh in loo magacaabo qof ka soo jeeda beelaha Hawiye ee daga Hirshabeele iyo Galmudug.

Damul Jadiid waxa ay hada wadaan in ay iska hor keenaan jufooyinka beesha Habargidir, halka ay sidoo kale kala geeyeen jufooyinka beesha Abgaal Cismaan.

Arrimahan ayaa waxaa ka shaqeynaya Abdikariim Xuseen Guuleed iyo Odowaa oo ah labo xubin oo ka tirsan Ururka Damul Jadiid.

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa dhawaan magacaabi doona Ra’iisul wasaaraha dowladiisa, waxana loo badinayaa in uu magacaabi doono waji ku cusub siyaasada Soomaaliya.

Macada siyaasiga ay wataan Damul Jadiid, isla markaana ay doonayaan in uu xilkaasi ku matalo, balse dadka siyaasada odorasa waxa ay sheegayaan in qof cusub ay Damul Jadiid la iman doonaan.

Farmaajo looma maleynayo in uu aqbali doono qof ay u keeni doonaan Koox Diimeedka Damul Jadiid, hase ahaatee la iskama indha tiri karo awooda ay kooxdaasi ku lee yihiin Barlamaanka 10aad ee Soomaaliya.

Damul Jadiid ayaa loo arkaa Urur ku fashilmay siyaasada Soomaaliya, isla markana aysan macquul aheyn in ay markale fursad weyn ka helaan saaxada siyaasada Soomaaliya.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY