Dahabkii Soomaalida -13 sano kadib geeridii Magool by Abdullahi Osman Farah

Dahabkii Soomaalida -13 sano kadib geeridii Magool by Abdullahi Osman Farah

0
SHARE

Abdullahi Osman Farah (Garsoor Online) — Markii aad maqasho magaca Xaliimo Khaliif Magool micnuhu waa inaad maqashay ugu yaraan qofkii ugu saameynta badnaa kooxaha wax maa weeliya ee Soomaalida (fanku waa nuuc dhuuxa gaarsiiya maa weelada dhabta ah).

Tani ma’ahan faalo aan ugu talo galay inaan kusoo gudbiyo Taariikh faneedkii Magool laakiin waxaan jecleystay inaan wax yar idin xasuusiyo inaan ku jirno asbuucii ay dhimatay Magool iyo xiligii ay naga baxday gabadhii farxada (Farxadii Masraxa).

Taariikhdeeda oo kooban

Xaliimo Khaliif waxaa ay dhalatay sanadkii 1948dii ama 12 sano ka hor xoriyadii Somalia waxaana ay ku dhalatay magaaladda Dhuusamareeb ee Gobalka Galgaduud.

Magool waxaa ay ka dhalatay Qoyska reer Shareeco oo ah dad aad looga yaqaano goboladda dhexe ee Somalia, abaheed Cumar Shareeco ama sida dadka qaarkii ay u aqoon jireen Khaliif Cumar waxaa uu ahaa caalim aad looga yaqaano Gal-gaduud.

Xaliimo Khaliif ayaa iyadoo yar la keenay magaalada Muqdisho waxaana ay kusoo bar baartay guriga abtigeed Maxamed Xaaji halkaas oo ay kadib uga sii gudubtay magaaladda Hargeysa.

Waayaheeda Faneed oo kooban

Magool ayaa kusoo biirtay fanka iyadoo yar waxaana ay fanka kasoo gashay magaaladda Hargeysa, Heesta la yiraahdo Banaadiri ayaa aheyd heestii ugu horeysay oo ay qaaday Magool waxaana wixii xiligaas ka dambeeyay ay bartilmaameed u aheyd Abwaan kasta oo raba inuu soo saaro Hees qiimo leh.

Magool waxaa ay qaaday nuuc walba oo hees ah Sida heesaha Wadaniyada,Jaceylka,Aqoonta,Nabi Amaanka iwm,waxaa ay laheyd cod aan marnaba is badalin waxaana ay soo jiidan kartay cid kasta oo waqti yar siisa dhageysigeeda ,waxaana ay laheyd cod ay adag tahay inaad mucaarado.

Intii ay nooleed mar la weydiiyay fanaaniinta ay jeceshahay iney badi la heysto waxaa ay sheegtay iney ka hesho wadajirka Kuluc,Tubeec iyo Salaad Darbi.

Waxaa ay fanka Soomaalida ka gaartay darajada ugu sareeysa waxaana loo doortay Boqorada Codka (gabadha ugu codka qurxoon) waxaa qof walba oo African ah tusaale ugu filan qiiradii ay kusoo bandhigtay Shirkii Midowga Africa ee lagu qabtay Muqdisho.halkaas oo ay ka heeseen koox fanaaniin ah oo ay hormuud u aheyd Magool.

Hobolada fanka ee qaaradda Africa waxaa ay magool u yaqanaan “Dahabkii Soomaalida” waxaase aad u adag inuu qofna suureeyo waxa ay Magool ka aheyd fanka Soomaalida waana sheeko qof,labo iyo saddex midna uusan sharixi karin.

Magool waxaa ay ka tirsaneyd hoboladda Waabari intii u dhaxeysay 1969kii ilaa 1993dii, Sharxaad uma baahna heesaha ay qaaday Magool oo ugu yaraan qof kasta oo Soomaali qaan gaar ah ayaan garanaya labo ilaa saddex ka mid ah heesaheeda.

Saameynteeda bulsho

Waxaa ay aheyd gabar saamen badan oo cilaaqaad uu kala dhaxeyay nuuc walba oo bulshada ka mid ah si gaar ah madaxda Siyaasadda waxaana ay aad ugu dhoweyd Dowladii kacaanka ee Jaale Siyaad, waxaa ay kaloo aad ugu dhoweyd wadaadada diinta gaar ahaan dariiqiyada Suufiyadda.

Ku dhowaanshaha Magool ee Siyaasada ayaa fududeysay inuu guur dhex maro dad caan ka ah Somalia oo uu ka mid ahaa Jeneraal Maxamed Nuur Galaal.

Dadka Soomaalidu waxaa ay ahaayeen dad aad u xushmeeya Magool waxaana tusaale kuugu filan in dagmadda Hodan ee magaalada Muqdisho ay ku taalo wado loogu magac daray fanaanada (Wadada Magool)

Magool waxaa ay ku jirtay fanaaniin badan oo ka cararay Somalia markii uu qarxay dagaalkii Sokeeye waxaana ay ku dhimatay magaalada Amsterdam ee wadanka Holland 19-kii March sanadkii 2004, waxaana haatay geerideeda laga jooga 13 sano.

13 sano kadib geerideedii Magool wali ma’ahan mid ay xasuusteedu ka dhamaatay Soomaalida oo dhan Allaha u naxariisto Xaliimo Khaliif astaantii fanka Soomaalida.

Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farah

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY