Dabley hubeysan oo Haweeney ku Dilay Magaalada Muqdisho

Dabley hubeysan oo Haweeney ku Dilay Magaalada Muqdisho

0
SHARE

Muqdisho (Garsoor Online)—Dableydan oo ku hubeysnaa bistoolado ayaa haweeney waxey ku toogteen Suuqa Siinaay ee Degmada Wardhiigleey ee Magaalada Muqdisho.

Haweeneydan oo magaceeda lagu sheegay Xaliimo Cabdi Xeyle ayaa dhar ku iibineysay Suuqaasi, markii la dilayay, sida Goobjooge uu sheegay.

Kooxihii ka dambeeyay falkaasi dilka ahaa ayaa isaga baxsaday goobta.

Weli lama oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa Dilka marxuum Xaliimo.

Dilkan ayaa qeyb waxuu ka noqonayaa Dilal Magaalada Muqdisho muddooyinkii dambe loogu geysanayay Xubnaha ku jiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY