Dab xoogan oo ka kacay Suuq weyn oo ku yaalla Muqdisho

by Farah C/laahi | Saturday, Apr 1, 2017 | 30 views

Muqdisho (Garsoor Online)—Dabkan oo ahaa mid xoogan ayaa waxuu ka kacay qeybo ka mid ah Suuqa labaad ee ugu weyn Magaalada Muqdisho.

Goobjooge ayaa waxuu sheegay in dabkan oo ka dhashay Koronto uu ka kacay Suuq Bacaad, waxuuna intaasi ku daray in uu geystay khasaaro hantiyadeed.

Waxaa sidoo kale uu tilmaamay in dhowr baqaar oo halkaasi ku yaalla uu basbeeliyay Dabka.

Dhinaca kale, Gaadiidka dab damiska oo goobta gaaray ayaa lagu soo waramayaa in ay ku guuleysteen baqtiijinta dabkaasi.

Dhawaan ayee aheyd markii dab xoogan oo saacado qaatay uu qabsaday Suuqa ugu weyn Caasimada Soomaaliya, halkaasi oo malaayiin doolar ay ku basbeeshay.

Like it? Share it!

Leave A Response