Dab xoogan oo ka kacay Guri ku yaalla Magaalada Muqdisho

Dab xoogan oo ka kacay Guri ku yaalla Magaalada Muqdisho

0
SHARE

Muqdisho (Garsoor Online) — Dabkan oo ahaa mid xoogan ayaa waxuu ka kacay Guri ku yaalla Xaafda Siigaalle ee Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Goobjooge ayaa waxuu sheegay in Dabka uu ka dhashay koronto, islamarkaana uu baabi’iyay dhamaan dhismaha uu ka koobnaa Gurigaasi.

Gaadiidka Dab damiska oo goobta gaaray ayaa ku guuleystay in ay damiyaan dabkaasi.

Gudoomiyaha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Mudane Axmed iyo Mas’uuliyiin kale oo Gobolka ka tirsan ayaa goobta gaaray, si ay u soo arkaan Dabka halkaasi ka kacay.

Dhawaan ayee aheyd markii Dab xoogan oo saacado socday uu ka kacay Suuqa ugu weyn Dalka Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY