Daawo VIDEO Guulihii MD Farmaajo uu ka soo gaaray Safarkii Sacuudiga

by Farah C/laahi | Sunday, Feb 26, 2017 | 57 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed( Farmaajo) ayaa sheegay in Sanadkaan la kordhin doono Miisaaniyadda dowladda Marka la eego Balanqaadyada ay haysato dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay haysato Balanqaadyo ka badan kuwii ay heli jireen dowladihii dalka Soo maray , islamarkaana ay sanadkaan ay kordhin doonaan miisaaniyadda dowladda .

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaali doonto sidii loo daryeeli lahaa Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo sidoo kale xildhibaanaada Qaranka.

https://www.facebook.com/mohamadhassan.warsame/videos/1815390968724063/

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response