Daawo-Sawirada Mudane Abuukar Maxamed Cali Gaaboow oo Ka Farxiyey Shacabka Jalalaqsi

Daawo-Sawirada Mudane Abuukar Maxamed Cali Gaaboow oo Ka Farxiyey Shacabka Jalalaqsi

0
SHARE

Mudane Abuukar Maxamed Cali Gaaboow Gudoomiyaha Arimaha Bulshada Degmada Jalalaqsi ee G Hiiraan ayaa qaaday tilaabo ay ku farxeen shacabka ku dhaqan Degmadaasi,ka dib markii lacagco cadaan ah uu u qeybiyey qoysaska ay saameeyeen abaaraha ee ku dhaqan Degmadaasi.

Lacagtani loo qeybiyey Qoysaska ku dhaqan Afarta tuulo ee hoos tagta Magaalada Jalalaqsi ayaa halkii qoys waxaa uu Gudoomiyaha Abuukar uu gudoonsiiyey Min 20 Dollar taasi oo ay ku farxeen dadka ku dhaqan halkaasi.

Qaar ka mid ah qoysas lacagta la gudoonsiiyey ayaa ku amaanay Abuukar Maxamed Cali Gaaboow sida wanaagsaneyd islamarkaana Cadaalada aheynd ee loo gudoonsiyey Deeqdaasi

Abuur Maxamed Cali Gaaboow oo La hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Si Cadaakad ah loo qeybiyey Lacag Ka timid Dowlada Dhexe islamarkaana loo soo marsiiyey Maamulka Hir Shabelle wuxuuna intaa uu ku daray in wali loo baahgan yahay gaalmo ku aadan wax u qabashada Dadka ku dhaqanka Degmada Jalalaqsi.

Gudoomiyaha Arimaha Bulshada Degmada Jalalaqsi ayaa hoosta ka xariiqay in ka maamul ahaan ay ku dadaalayaan in wax badan ay ka qabtaan dhinaca Ariamaha Bulshada isagoona shaaca ka qaaday in Jaaliyaha dalka dibadiisa ku dhaqan ee ka soo Jeeda Degmada Jalalaqsi in ay Maalgashi ay ku soo sameeyaan Degmada islamarkaana ay garab istaagaan Shacabkooda

Ugu Danbeytii Maamulka Degmada Jalalaqsi oo uu hor boodayo Mudane Abuukar Maxamed Cali Gaaboow ayaa Maalmihii Danbe waday dhaqdhaaqyo lagu hormarinayo Degmadaasi

Hoos Ka Daawo Sawiarada Gudoomiyaha Arimaha Bulshada Jalalaqsi oo qaaday Tilaabo Wanaagsan 

 

 

LEAVE A REPLY