Daawo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo Muqdisho Ka Bilaabay Olole Xoogan

by Farah C/laahi | Sunday, Feb 26, 2017 | 63 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Ra’iisulwasaaraha Magacaaban ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta la kulmay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali kheyre ayaa Xildhibaanada kulan kula qaatay hoyga uu ka degan yahay Madaxtooyadda waxaana u soo bandhigey Barnamijka Xukuumadda uu ku hogaamin doono si dalkeenu u gaaro horumarka ay shacabka Soomaaliyeed hiigsanayaan, kaasi oo ay si wayn usoo dhaweyeen Xildhibanadii kulanka ka qayb galay.

Qaar ka mid ah Xildhibbaanadii uu la kulmay Ra’iiuslwasaaraha Magacaaban Xasan Cali Kheyre ayaa Warbaahinta u sheegay in ay Ansixin doonaan Ra’iisulwasaaraha.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu dhawaan  horkeeyo Baarlamaanka Soomaaliya Ra’iisulwasaaraha Magacaaban Xasan Cali Kheyre , islamarkana uu ka codsado in ay Ansixiyaan si uu usoo dhiso xukuumadiisa.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response