Daacish oo 9 Ruux Ka Afduubatay gobolka Bari

by Farah C/laahi | Saturday, Jan 28, 2017 | 61 views

QANDALA(Garsoor Online) — Wararka laga helayo gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay halkaasi ka afduubteen Askar iyo dad shacab ah oo la socday Gaari.

Dad deeganka ah ayaa u xaqiijiyay Garsoor Online in gaariga uu ka soo baxay deegaanka Qandala, isla markaana uu ku sii jeeday Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari.

Waxa ay intaa ku dareen in rag hubeysan oo ka tirsan Daacish ay jidka u galeen gaariga, kuwaas oo 9 kmid ah dadkii gaariga la socday ka xeystay.

Dadka la afduubtay ayaa isugu jiray Askar ciidanka Puntland ka tirsan iyo dadka shacab ah, waxana mas’uuliyiinta gobolka Bari ay xaqiijiyeen in gaari ay la socdeen 16 qof oo caruur ay ku jiraan.

Wararka ayaa sheegay in Gaarigii dadkaasi la socdeen la siidaayay iyadoo loo ogolaaday in Hooyo iyo caruurteeda iyo darawalkii ay gaariga raacaan.

Gudoomiyah Qandala Shirin Maxamed Quurshe ayaa u sheegay warbaahinta in meel 35km u jirta Qandala uu falkan ka dhacay, waxana uu tilmaamay in 5 kamid 9 qof ee gaariga lagala dagay ay ka baxsadeen kooxda Daacish.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in qaar kamid ah dadkii baxsaday isaga taleefan kula soo hadleen.

Shirin Maxamed Quurshe ayaa xusay in saakay ay ciidamo u direen deegaanka lagu tuhusanaa kooxda dadka afduubtay, waxana uu intaasi ku daray in hada halkaa ay howlgallo kawadaan.

Lama oga halka ay ku danbeeyaan 4tii qof ee ku harsan gacanta kooxda Daacish ee ka dagaalantay gobolka Bari ee Puntland.

Sanadkii tahay dabayaaqadiisii ayay aheyd markii kooxda Daacish ay qabsatay Magaalada Qandala ee gobolka Bari, halkaas oo ay mudo heysteen.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response