Cali Cosoble: Waa Isku Mid Farmaajo & C/llahi Yuusuf

Cali Cosoble: Waa Isku Mid Farmaajo & C/llahi Yuusuf

0
SHARE

MUQDISHO (Garsoor Online) — Cali Cabdulaahi Cosoble Siyaad, Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in wax fariqi ah uusan u dhexeen doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo iyo Doorashadooyinka Madaxweynahayaashii isaga ka horeeyay ee kala ahaa C/laahi Yuusuf, Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdulaahi Yuusuf.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa xiisa u sameysan oo qofkii la doortaba u sa cabtuma balsa aan ka fakarin waxa soo socoda sida uu hadalka u dhigay.

Mudane Cosoble ayaa tilmaamay in sida loo soo dhaweeyay Faraamo si la mid ah loo soo dhaweeyay Madaxweynayaashii isaga ka horeeye, taasina aysan waxba  kabadalneyn wixii uu horay u soo dhacay.

Cali Cosoble waxaa uu ka codsaday dadka Soomaaliyeed in la shaqeeyaan Madaxweynahan cusub oo aysan garabkooda ka bixin sidii ay uga hareen oo kale Madaxweynayaashii isaga ka horeeyay.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa arrinta ka sheegay kaddib kulan ay madaxda maamul goboleedya dalka la qaateen Madaxweynaha Cusub, kulankaasi waxaa ka maqnaa Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.

DHAGEYSO Hadal uu jeediyay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cosoble:

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY