Ciyaartoy Hore oo maanta la wareegay xilka Wasaarad Muhiim ah

Ciyaartoy Hore oo maanta la wareegay xilka Wasaarad Muhiim ah

0
SHARE

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in Wasaaradda Amniga ay la imaan doonto Qorshe cusub oo loogu tala galay in lagu Xasiliyo Ammaanka Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga ayaa ku dhawaaqay hal ku dhig cusub oo loogu tala galay Xasilinta Ammaanka Caasimadda kasoo ah ” Xasilinta Caasimadda”

Sidoo kale waxaa uu xusay qofkii Shacab ah oo soo sheega Al-Shabaab qof ka tirsan in la siin doono Abaalmarin.

Wasiirka ayaa ka codsaday Shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan Wasaaradda, isagoona balan qaaday in la tayeyn doono Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay in si wadajir looga wada Shaqeeyo Xasilinta Ammaanka Soomaaliya.

Wasiirka cusub ee Amniga oo horay u ahaa ciyaaryahan ciyaari jiray Kubadda Kolayga ayaa ah nin aan khibrad badan u laheyn dhinaca amniga, waxaase la is weydiinayaa sida uu uga dhalaali doono howsha adag ee loo xilsaaray oo ah Amniga, oo ah tan mar walba mas’uuliyiinta xilalka amniga haya ku fashilmaan wax ka qabashada amniga.

LEAVE A REPLY