Ciidamo Ajaanib ah oo Weeraray Badhaadhe

Ciidamo Ajaanib ah oo Weeraray Badhaadhe

0
SHARE

BADHAADHE (Garsoor Online) — Inta la xaqiijiyay 2 ruux ayaa ku dhintay, 6 kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray, kaddib weerar ka dhacay gudaha Magaalada Badhaadhe ee gobolka J/hoose ee Koofurta Soomaaliya.

Weerarka ayaa yimid kaddib markii Ciidamo Kenyan ah oo kaashanaya Ciidamo loo maleeynayo in ay yihiin Maraykan ay gudaha u galeen degmada Badhaadhe xalay shaqdii dhexe, halkaasi oo ay gacanta ku hayaan Al Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay Garsoor Online in arkeen ciidamada ajaanibta ah ee soo galay Magaalada isla markaana gudaha Magaalada uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Al Shabaab iyo ciidamada shisheeye.

Dad ku sugan deegaano ku dhaw degmad Badhaadhe ayaa Garsoor Online u xaqiijiyay in ay arkeen kolonyo gaadiid fara badan ah oo ciidamo shisheeye ay wataan oo ka soo gudbay deegaanadooda iyagoo ku wajahan Badhaadhe.

Qof ku sugan Badhaadhe ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jirto qof dumar ah, halka 4 kale oo dumar ah ay kamid ahaayeen dhaawacyada.

Dadka dhaawacmay ayaa rasaastu uga tagtay hoygooda, waxaana la geeyay Xarumaha Caafimaadka Magaaladaas, inkastoo laga deyrinayo xaalada caafimaad ee degmada.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamadii weeraray Badhaadhe iyo cida ay ku bartilmaameesadeen, sidoo kale ma jiro hadal ku aadan weerarkaasi oo ka soo baxay Al Shabaab iyo Jubbaland.

Garsoor Online — BADHAADHE

LEAVE A REPLY