Ciidamadii La Dagaali Lahaa Al Shabaab oo Maanta Muqdisho Bandhig Ku Sameeyay + SAWIRO

by Farah C/laahi | Monday, Apr 10, 2017 | 59 views

Musaabada tababarka loogu soo xerayay Ciidamadan oo ka dhacday dugsiga tababrka ee Dowladda Imaaraadka Carabta ay ku lee yihiin Soomaaliya gaar ahan Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uul katirsan dowladda, saraakiil iyo marti sharaf kale.

Ciidamada maanta tababarka loo soo xerayay ayaa bandhig muujinayay waxyaabihii ay ku barteen mudadii uu u socday tababarka waxa ay ku soo bandhigeen fagaare ku yaala gudaha dugsiga tababarka Imaaraadka.

Gaardis Jaanta ay isla helayeen ka sokoow, waxa ay ciidamadu sameeyeen mataalaado kala ah, sida howlgal qasaaro ka beyr ah loogu sameeyo guryaha laga shakiyo, madaxda sida loo ilaaliyo, loogana hortago hadii la soo weeraro.

Ciidamada maanta tababarka loo soo xeray oo u badnaa dhalin yaro fir-fircoon ayaa muujinayay yidiidlo ku aadan in dalkan ay wax badan u qaban doonaan, isla markaana aysan ku abaal dhici doonin Dowladda Imaaraadka Carabta oo maanta ku garabsiisay in qarankooda ay difaacaan.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/rashid C/laahi Maxamed ayaa Abaalmarino gudoon siiyay Lix askari oo Kaalmaha hore ka galay tababarka.

Like it? Share it!

Leave A Response