Ciidamada Puntland oo Xiray Idaacad Madax Banaan

by Farah C/laahi | Monday, Feb 6, 2017 | 26 views

GAALKACYO (Garsoor Online) — Ciidamada Amaanka maamulka Puntland ayaa xeray Idaacad madax banaan oo ka howlgasha Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay xireen Idaacadda Codka Nabadda faraceeda Gaalkacyo, iyagoo sidoo kale jirdil u geystay shaqaalihii.

Qaar kamid ah howlwadeena Idaacadda oo la hadlay Garsoor Online ayaa sheegay in aysan garaneyn sababta ciidamadu ay u xireen idaacadda.

Waxa ay intaa ku dareen in Ciidamadu ay jir dil xoogan u geysteen Agaasimihii Idaacadda iyo howlwadeeno kale.

Ma jiro wax faah faahin ah oo ay ciidamada Puntland iyo maamulka Mudug ka bixiyeen xariga Idaacadda, hase ahaatee Puntland ayaa maalmihii danbe waday caburinta ay ku heyso saxaafadda madaxa banaan.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response