Ciidamada AMISOM oo la qarxiyay iyo toogasho ay ka geysteen Sh.Hoose

Ciidamada AMISOM oo la qarxiyay iyo toogasho ay ka geysteen Sh.Hoose

0
SHARE

Kunturwaareey (Garsoor Online)—Wararka laga helayo Degmada Kuntuwaareey ee Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in Qarax xoogan lagu beegsaday Kolonyo ay wateen Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Qaraxan ayaa Ciidamada AMISOM waxaa lagula eegtay Degaanka Fidi-dheer oo qiyaas ahaan 20Km dhanka koonfureed uga beegan Degmada Kunturwaareey Gobolka Sh.Hoose.

Dadka Degaanka qaarkood ayaa sheegay in Qaraxa kadib Ciidamada AMISOM ay gudaha u galeen Degaanka Fidi-dheer, islamarkaana halkaasi ay ku Dileen Haweeney da’aheyd.

Waxaa sidoo kale ay sheegeen in Ciidamada Nabad Ilaalada AMISOM ay halkaasi ku dhawaaceen labo kale.

Weli lama sheegin hadii uu jiro khasaaro Qaraxan ka soo gaaray Ciidamada AMISOM.

Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxan ka dhacay Duleedka Degmada Kunturwaareey ee Gobolka Sh.Hoose.

LEAVE A REPLY