Caqabadii Hortaagneyd Magacaabista Golaha Wasiirada Somalia oo la Xaliyay

by Farah C/laahi | Sunday, Mar 19, 2017 | 7 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Sida ilo ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ay u xaqiijiyeen Garsoor Online waxaa lagu guuleystay in meesha laga saaro caqabadihii Ra’iisul  wasaaraha iyo Madaxweynaha ka heystay Magacaabista Golaha Wasiirada.

Xubno ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay la kulmeen Gudoomiyaha Barlamaanka iyo Kuxigeenka 2aad kuwaasi oo ahaa Caqabada ugu weyn ee hortaalay in la magacaabo Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Afhayeenka Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu ahaa jidgoodayada ugu weyn ee hortaalay in lagamacaabo Golaha Wasiirada, waxana Ilo muhiim ah ay Garosoor Online u xaqiijiyeen in Jawaaari uu ku cadaadinayay Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha in ay Golaha ku soo daraan Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti.

Sidoo kale Mahad Cabdalla Cawad ayaa doonayay in uu isagu keensado qof booska koowaad u matalaya Beesha Direed, waxana uu doonayay in uu helo Wasiirka ugu muhiimsan ee Dir ay ka heli doonto dowladda Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Sidaasi darteed, waxaa shalay labadan hogaamiye la kulmay Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka, waxana ay u sheegeen in ay faragalinta ka daayaan Magacaabista Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Xildhibaanadan ayaa ugu hanjabay Gudoonka Barlamaanka in ay weyndoonaan boosaskooda hadii ay sii wadaan cadaadiska ay ku hayaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Jawaari iyo Mahad Cawad ayaa la sheegay in ugu danbeyn ay ogolaadeen in Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay u madaxbaneeyaan howshooda, isla markaana ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo magacaabaan Golaha Wasiirada cusub.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response