Cabdi Ileey: Qalbi-dhagax waa Danbiile Gacanta Noogu Jira

by Farah C/laahi | Tuesday, Sep 5, 2017 | 160 views

Jig-jiga (GarsoorNews) — Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dhiibidii C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo la sheegay in dhowaan dowladda Soomaaliya ay u gacan gelisay Itoobiya.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in Qalbi dhagax uu kasoo jeedo dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, islamarkaana aysan jirin wax ka khuseeya dadka Soomaaliyeed, waxaana xusay in dambiyo kala duwan uu ka galay dhulka dowlad degaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in arinta Qalbi Dhagax, ay u taalo Dastuurka dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ee kunool Soomaaliya laga doonaayo in ay ka banaanbaxaan dadka ay Al-Shabaab ku dilaan Muqdisho.

Waxaa uu xusay in cida ka hadlaysa dhiibidiisa ay tahay kuwo fara badan leh, qaarkood wuxuu ku sifeeyay inay yihiin kuwo kursi ku doodaya.

Daawo Sida uu u Hadlay Madaxweyne Cabdi Ileey:

 

Contact us: Garsoornews1@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response