70 Ruux oo Soomaali oo laga soo masaafuriyay Mareykanka

by Farah C/laahi | Friday, Mar 10, 2017 | 45 views

Muqdisho (Garsoor Online) – Waxaa maanta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho soo gaaray Diyaarad wadda Muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo masaafuriyay Dalka Mareykanka.

Dhalinyaradan Soomaaliyeed ooo laga soo dajiyay Garoonka Muqdisho oo tiradoodu gaareyso 70 Ruux ayaa sida la sheegayo waxey ka xirnaayeen indhaha iyo gacmaha.

Ilo ku sugan Garoonka Diyaaradaha ayaa u sheegay Garsoor Online in Dadka la soo dajiyay ay ahaayen maxaabiis ku xirnaa Xabsiyada Dalka Mareykanka.

Sikastaba, Dib u soo celinta Muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa imaaneysa xili Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu ku diray Dalka Soomaaliya liiska wadamada uu ku soo rogay xiyaaradaha dhanka socdaalka.

Like it? Share it!

Leave A Response