BJF Somalia oo Go’aano Muhiim ah Soo Saaray

BJF Somalia oo Go’aano Muhiim ah Soo Saaray

0
SHARE

MUQDISHO (Garsoor Online) — Barlamanka labada Aqal ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa looga hadlayay soo xulida xubnaha Gudigga Doorashada Madaxweynanimo ee Soomaaliya.

Kulanka waxaa si wada jir ah u shir Gudoominayay labada gudoomiye ee labada Aqal, waxana xildhibaanadu ay yeesheen dood adag.

Xildhibaanada labada Aqal ayaa isku raacay xubnaha uu ka koobnaan doono, iyadoo ay soo saareen go’aamo muhiim ah.

1 – In tirada Guddiga doorashada Madaxweynaha ay noqdaan 16 mudane , 10 ay ka imaanayaan golaha shacabka , halka 6-da kalena ay ka imaanayaan Aqalka Sare.

2 – In Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ay goobjoog ka noqdaan doorashada Madaxweynaha.

3 – In ciidamada Ammaanka ee xaqiijinaya goobta ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha ay ka amar qaataan gudoonka Baarlamaanka.

4= Lacagaha laga qaado Musharaxiinta madaxweynaha kala bar (50%) lagu bixiyo abaaraha ka jira dalka.

5 – In musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha la weydiiyo su’aallo dood wadaag ah.

6 – In la sameeyo Guddiga Madaxa Banaan ee ka hortaga Musuq maasuqa.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY