Barlamaanka Hirshabeele oo dhaqan cusub ku soo kordhiyay siyaasada Somalia

by Farah C/laahi | Tuesday, Jun 13, 2017 | 38 views

Xarunta Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa maanta waxaa ka qabsoomay kulan ajandihiisa uu ahaa in xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ay ka doodaan arrimaha maamulka.

Xildhibaanada ayaa intii ay ku guda jireen kulankooda waxa ay sheegeen in ay shaqo joojin ku sameeyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed, kadib markii ay ku eedeeyeen inuu gaashaan u yahay Madaxweynaha Hirshabeelle.

Xildhibaanada ayaa ku doodaya in ay waayeen xuquuqdii ay ku lahaayeen maamulka Hirshabeelle, waxaana ay sheegeen dhowr bilood in aysan helin mushaarkoodii ay xaqa u lahaayeen.

Todobaadyada soo socda ayaa la filayaa in codka kasloonida loo qaado Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre, waxaana xaaladan ay abuureysa khilaaf cusub oo soo kala dhex gala Baarlamaanka Hirshabeelle.

Warbixinta warkan waxaa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe inooga soo diray Wariyaha Risaala ee degaanada Hirshabeelle C/raxmaan Cali Deerey.

Radio Risaala

Like it? Share it!

Leave A Response