Bandow Lagu Soo Rogay Magaalada Muqdisho

Bandow Lagu Soo Rogay Magaalada Muqdisho

1
SHARE

MUQDISHO (Garsoor Online) — Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay bandow lagu soo rogay Magaalada Muqdisho.

Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in laga bilaabay Maalinta Isniinta ah 06:00 maqribnimo wixii ka danbeeya uu dhaqan galayo bandowga, kaasi oo saameyn doona isku socodka gaadiidka.

Duqa Muqdisho waxa uu tilmaamay in bandhowgan uu socon doono labo maalmood oo kala ah Taalado iyo Arbaco oo ah maalinta ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxa uu balan qaaday in ujeedku uu yahay xaqiijinta Amaanka Caasimada oo la doonayo in lagu doorto Madaxweynihii hogaamin lahaa Qaranka Soomaaliya.

Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa dadka ka dalbaday in ay muujiyaan samir iyo dulqaad, isla markaana ay la shaqeeyaan ciidamdaa Amaanka.

Waxa uu soo bandhigay in dadka dhoofi doona ay u diyaariyeen basas ka qaada wadooyinka isla markaana geeya Garoonka Aadan Cadde oo ay ka duulayaan.

Maalinta Arbacada ee soo aadan ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka dhici doona doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo 23 musharax ay u taagan yihiin qabashada xilkaasi.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

1 COMMENT

LEAVE A REPLY