Banaanbaxyadii Xornimada iyo Banaanbaxyadii Farmaajo

by Farah C/laahi | Friday, Feb 17, 2017 | 38 views
Abdi M Ismail (Garsoor Online) — Qof walba oo Soomaali ah ee noolaa Xornimada ka hor waxa uu ku fekearyey haddii laga xoroobo Gumaystayaasha in ay Soomaalidu heli doonaan Dawlad dhinac kasta ah horumar ka gaarsiisa oo dhibkii la soo maray ay ku iloobaan, taariikhduna waxa ay qoraysaa in Maalmihii 26kii June iyo 1dii July 1960 ay mashxarad iyo Banaanbaxyo ku soo dhaweeyeen Xornimadii la qaatay banaanbaxyadaasoo mid la mid ah aan weli laga dhigin Soomaaliya.

Xornimada kadib markii la dhisay Dawlad Soomaaliyeed ee leh Baarlamaan, R/wasaare iyo Madaxweyne waxa ay yididiilada Shacabku ahaa in qof walba uu helaya Nabad, shaqo iyo nolol taam ah hasa yeeshee Dawladii Xilligaa waxaa la sheegaa in la oran jiray dawladihii Musuqmaasuqa, iska dhaaf wixii uu ku fikirayey qofka Soomaaliga ah inuu heli doono Xornimada kadib xitaa ma helin wax u ku samro, keliya waxa ay faa’iideen in Soomaaliya Xornimo qaadatay.

Banaanbaxyo la mid ah Banaanbaxyadii dhacay markii la qaatay Xornimada ayaa waxa uu dhacay Markii uu xilka Madaxweyne uu ku guulaystay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) sababta banaanbaxyada loogu sameeyey Madaxweyne Farmaajo ayaa ahayd in dhibaatada ka jirta Dalka Soomaaliya uu yahay Madaxweynaha ay is leeyihiin wuu xalin doonaa,iyagoo u fekeraya sidii ay u fekereen Shacabkii soomaaliyeed ee u soo banaanbaxay Xornimada iyo Dhismaha Dawlad Soomaaliyeed laakiin Xornimo la qaatay mooyee aysan ka faa’iidin wax kale.

Hadda xaaladu indhaha ayaa lagu wadahayaa inkastoo aanan ku sifayn Karin Dawladda Madaxweyne Farmaajo Dawladihii lagu Tilmaamay Musuqmaasuqa ee 1960kii, Haddana waxaa ii muuqda maalmaha yar ee uu xilka hayo Farmaajo Hab dhaqanka aan dareemayo mid aan laga sugayn sababtii Banaanbaxyada loo dhigay.

Waxaa hubanti ah in Farmaajo uu ka bilaabay shaqadiisa inuu aruuriyo intii naceyb u qabtay Xasan Sheekh, dadkaa oo qaarkood lacago Malaayiin Dollar ah ay ka dhaceen Dawladdii Xasan Sheekh shaqada looga eryey, kadibna bilaabay inay meelaha ka muujiyaan in ay neceb yihiin Xasan Garguurte Xilligii Doorashada bilaabay Olole ka dhan ah Madaxweyne Xasan.
Dinaca kale waxaa Ia magacaabay wareegto la’aan Agaasimaha Madaxtooyada Cali Siciid Fiqi oo ahaa Safiir Somalia u fadhiya Midowga Yurub laakiin xilkii uu hore u hayey aan iska casilin, balse uu u yeertay Farmaajo, sidoo kale waxaa xilal aan wareegto lahayn uu u magacaabay dad uu isagu jecel yahay oo xilal kale hayey dhaqankaasina ma aha mid la filayey.

War yaa ilaah yaqaana ma sidaa ayaan u dhignay Banaanbaxyada oo aan u muujinay sida aan ugu faraxsanahay Guusha Farmaajo, waxaan is leeyahay Sida ay shacabka u fekereen iyo sida sida Farmaajo u fekarayo waa kaaf iyo kala dheeri hadii inta goori goor tahay uusan wax bedelin.

Inta ka nool dhalinyaradii ka qayb gashay Banaanbaxyadii Dhismihii Dawlad Soomaaliyeed ee ugu Horeysay 1960-kii iska dhaaf in ay ka qayb galaane Banaanbaxyadii Farmaajo lagu taageerayey xitaa ma filayo inay ku farxeen Doorashadii Farmaajo, Bacdamaa haatan ka hor ay soo qaateen Cashar aysan iloobi doonin, iyagoo ka fekaraya waxqabad lagu taageero Dawladda.

Waxaana suuragal in 8-dii Febraayo 2017 dadkii ka qayb galay Banaanbaxyadii lagu Taageeray Farmaajo in iyaguna ay u noqon doonto Cashar aanay dib dambe uga qayb geli doonin Banaanbaxyo Taageero ah iayagoo u fekeri doona sida ay u fekereen Dadkii soo dhaweeyey dawladihii Hore.

Maxaa laga faa’iiday oo aan ku tilmaami karnaa Banaanbaxyadii loo dhigay Farmaajo, ma noqon doonaa Madaxweynihii loo baahnaa.

W/Q: Abdi M Ismail

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response